Tensta konsthall kaaga

Booqoso
Malmaha oo Tensta konsthall ee furinyahay waa Arbaco ila Saabti.
Maarkas oo sacaddo ay tahay 12.00 - 17.00

Dadka oo Tensta dagaan waxay oo tahay laag laan inay Tensta konsthall imadan.
Numbarka Tensta konsthall wa 08 - 36 07 63

Raad raac
Mudo toban sano ku siman ayuu Macradka Farshaxanka Tensta isbedel weyn oo horumarineed sameeyey, wuxuuna qayb muhiim ah ka galay nolosha dhaqanka Swedishka.

Waxa la aas aasay sanadkii 1998-kii, isagoo qayb ka ahaa magaalo dhaqameeda Yurub ee Stockholm, ujeedooyinkii loo aas aasay ilaa hada way ka jiraan Macradka Farshaxanka. Si uu sawir uga bixiyo dhaqamada kala duwan, si uu u dhiiri geliyo wada hadal caalami ah, si loo abuuro jiritaan dhaqan oo mudo dheer ah, taas oo saameyn fiican ku leh is dhexgalka bulshada.

Ilaa mudadaa, wuxuu noqday Macradka Farshaxanku xarun la aqoonsan yahay oo farshaxanka casriga ah, waxa kale oo uu isu diyaariyey goob waxbariseed, kuna leh qiimo weyn dadka degaanka.

Caalami
Macradka Farshaxanka Tensta wuxuu u shaqeeyaa si weyn si uu usoo bandhigo farshaxanka iyo hawlaha nashqadaha sida ugu horumarsan ee heer caalami iyo dhamaan waxsoosaar dhaqameedyada kale ee dunida, isagoo ixtiraamsan kala duwanaanshaha dhaqamada.

Wuxuu u shaqeeyaa si muuqata si uu kor ugu qaado, waxsoosaarada muujinaya kala duwanaanshaha buuxa ee dhaqamada dunida iyo waxsoosaarkooda, wuxuuna diirada saaraa kaalinta farshaxanada iyo farshaxankooda.

Qaran
Macradka Farshaxanka Tensta wuxuu qaadayaa masuuliyad ah in uu kor u qaado soona bandhigo farshaxanka Swedishka, nashqadaha, ciyaaraha iyo waxyaabaha kale ee waxsoosaarka dhaqameedka ah, iyadoo la aqoonsan yahay lahaanshaha bulsho iyo dhaqan ee Swedishka.

Degmo
Macradka Farshaxanka Tensta wuxuu u shaqeeyaa si fiican isagoo ku xidhan degaamadiisa. Wuxuu leeyahay Macradka Farshaxanku barnaamijyo bariseed iyo dhaqameed isagoo la wada dugsiyada xaafadaha iyo ururada, wuxuuna qayb ka yahay horumarinta hawl dhaqameedyada xaafadaha.

Macradka Farshaxanku wuxuu la shaqeeyaa dadweynaha xaafadaha iyo kooxahooda, wuxuuna hubiyaa in luuqadaha sida buuxda loogaga hadlo xaafadaa ay tahay ta lagu hawl galyo.

Waxa kale oo uu shaqaaleeyaa, tababarana siiyaa iyo kaalmo dhalinyarada xaafadaha iyo barnaamijyadoda.

Lugaha iga jar
Lugaha iga jar, iiguna yeer gaabay! waa bandhig kaas oo ay ku muujinayaan curiyayaal maad iyo yaab leh. Shan fanaan oo Swedhish ah ayaa shaqadan iyo fikradan qaabeeyey, waxayna inagu dhalinaysaa in aan fiirsano, mar kalena fiirsano.

Macrad mareegeed
Macrad mareegeedku waa soo saarkii ugu danbeeyey ee xarunta farshaxanka. Macrad mareegeedka waxaa wada Pia Isaksson waana goob lagu soo bandhigo hawlaha farshaxanada waaweyn iyo kuwa hada soo kacayaba.

Macrad mareegeedku waa mareeg cusub waxaana wada Macradka Farshaxanka Tensta. Waana waxa ugu horeeya ee aad arkaysid marka aad gashid ama aad booqatid mareegta Macradka.

Macrad mareegeedku waxaa loogu talo galay in ay noqoto meel laga dheehdo farshaxanada iyo farshaxanka iyo bandhigyada cusub bil kasta.

Faah faahinta shaqada farshaxanada iyo macluumaad ku saabsan bil kasta farshaxanka waxaa laga heli karaa bogga mareegta waana la cusbooneysiiyaa bandhig kasta.

Waxaan ileyska saarnaa sawirada, daadihiyaheena Pia Isaksson waxay adeegsataa habab kala duwan iyo hawlo ka yimid farshaxaniintan, sida

• Ikka Halso (June)
• Alen Aligrudic (July)
• Nadja Bournonville (August)
• Tracey Moffatt (September)
• Tiina Itkonen(October)
• Linda Bergman (November)
• Peo Olsson (December)

Farshaxanka ugu danbeeyey ee macrad mareegeedkayagu waa Alen Aliggrudic. Alen wuxuu ku dhashay Tuzla oo ku taal Bosnia, wuxuuna ku nool yahay Copenhagen. Wuxuu haystaa laba shahaado oo uu ka kala wato Denmark iyo Jamhuuriyada Jeega, hadana wuxuu wadaa shahaadada darajada labaad, wuxuuna ka dhiganayaa Akadeemiyada Funen ee ku taala Odensia.

Shaqadiisii " salaan ka timid Mooteneegro 2007-2009" waxaa uu ku tegay safaro badan, mid ka mid ah dalalka dunida ugu yar, wuxuuna Alen lasoo kulmay muqaalka hada ee xoriyada kadib.

Maal gelinta shisheeye waxay u guurtay markii ay soo bilaabmaysay dhaqaale burburka dunida hada ka jira, riyadii ahayd in dalkan yar noqon doono Monoco da cusubna, waxay noqotay hawo.

Wuxuu ina siinayaa muqaal dayacaadeed oo aan rajo fiican lahayn. . Baabuur laga tegay, warshado burburay, xayawaan dhintay oo qurmay, qashinka warshadaha iyo mar mar baabuurka qaaliga ah ee limosiinka, waana waxay shaqadiisu ku saabsantahay. Sawiradani waa kuwo waxshi ah siyaabo badan, laakiin waxaa laga yaabaa in ay u sameeynayaa meel imaanla'aanta jiidhay waxkasta oo rajo ah oo laga qabay dib u cusboonaan.

Xoriyadii Yuguslaafiyadii hore waxay keentay xoriyad shaqsiyadeed, rajada aayo-ka tashiga iyo kasoo kabasho colaadihii qoomiyadaha iyo dagaaladii. Sadex sano kadib aftidii madaxbanaanida u horseeday dalkan yar, xaqiiqada qarankan yar ee nus malyanka ahina waxay tahay in nolosha ka baxsan magaalooyinka ay tahay mid dib u socod ah.

Waxsoosaarka TK
Macrad Farshaxaneedka Tensta waxaan ku hawlan nahay soo saarida waxqabadyo. Waxay isugu jiri karaan in aan shaqada u dirno farshaxanka, in aan iska kaashano farshaxan ama koox farshaxano ah, qaabeynta buug, filimo, mashaariic mareegaha laga helayo iyo mashaariic kale oo banaanka u baxsanba waxa aan iska kaashanaa mataanahayaga heer xaafadeed, wadan iyo caalami.

Tusaalayaalsha mashaariic dhawra oo tobankii sano ee u danbeeyey la qabtay ayna ku jiraan waxbadan oo ay ka mid yihiin shirkada nashqadeynta ee la cusbooneysiiyey ee Front kuwaas oo sameeyey goob kafeeya oo laga helayo dhir iyo firinjar si fiican loo qaabeeyey, waana mashruuc sadex sano ah oo lagala shaqeeyo dugsiga sare ee Tensta, jaamcada farshaxanka iyo Konstfack waxaan lagu soo bandhigay New York iyo Paris.

Dhamaan mashaariicdeenu waxay ku xidhiidhsan yihiin sadexda heer ee ay shaqadeenu u qaabeysan tahay:

Heer degmo, Wadan, Caalami

Shaqooyinkii hore
Xiligii guga dhexdiisii arday ka tirsan dugsiga sare ee Tensta, jaamacada farshaxanka, Konstfack iyo waaxda nashqadeynta ee machadka boqortooyada ee tiknoloojiyada waxay fiiriyeen fursadaha nashqadaha. Wuxuu mashruucu ku bilaabmay guri hagaajin, xaafad, magaalad, dal ilaa dunida.

Mashruucan waxaan isku daynay in aan helno dariiqyo kale oo kasoo bilaabmaya inaga hareeraheena, lehna wada shaqeyn iyo isdhexgal oo goobta gaarka iyo tan guud ee Tensta iyo dunida ah. Waxaan la shaqeynaa Coca-Cola waxaa filimeynaa, sawirnaa, qoraalada, socodka iyo dhamaan alaabooyinka kale ee cajiibka ah, farsamooyinka iyo fikridaha.

Daawasho
Waxaan u fidinaa dawashooyin agaasiman dugsiyada iyo kooxaha dadka waaweynba. Waxaana la qabtaa booqashooyinkan maalintii iyo fiidkii, waxayna qaadataa hal saac.

Waxaan ku sameynaa booqashooyinka agaasiman afafka ingiriisida iyo swedishka, waxaana suura gal ah in aan habeyno afaf kale sida Somali, Japanese, Persian, German, Spanish, Turkish, Czech, Bengali iyo Italian.

Xili maalmeedyada: Salaasa ilaa Jimce, saacadaha 9 subaxii ilaa 4 galabnimo

Dugsiyada ku yaala Spånga/Tensta iyo Rinkeby booqashooyinka agaasiman ee saacadaha maalinimadu waa lacag la'aan. Dhamaan cidaha kale, fadlan eega qiime sheegtayada hoos ku taala.

Dugisiyada hoose/dhexe/sare 625 SEK
Jaamacadaha/dugisyada dadka waaweyn 875 SEK
Cidaha kale 875 SEK

Booqashooyinka fiidkii ama wiiga dhamaadkiisa (Salaasa ilaa Jimce wixii ka danbeeya 17:00)

Cidkastaana waa 1500 SEK

Tuurgumanka wa / Översatt av: Guuleed Maxmed

Cafeeteria oo Tensta Konsthall oo lla Sharahay
Xili maalmeedyada: Salaasa ilaa Jimce, saacadaha 9 subaxii ilaa 4 galabnimo
163 04 Shabab oo Seconderi Tentsta liggto oo proojegtiga ku giro